Ciidamada dowlada KMG Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay iney maanta gaareen degaano ka tirsan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, iyagoo aan wax iska caabin ah la kulmin sida ay sheegayaan dad degaanadaasi ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay labo jiho ka weerareen wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmnada Afgooye sida uu sheegay taliyaha guutada 2aad ee ciidamada dowlada C/llaahi Cagey oo intaa ku daray in ciidamadu ay saacadaha soo socda gaari doonaan degaanka Ceelasha biyaha. “Ciidamo saaka ka baxay degaanka Kahda ee duleedka degmada Dharkeynley ayaa waxay ka daadegeen buurta Janaay Cabdalle ka dibna waxay gaareen degaanka Siinka Dheer oo ay si buuxda ula wareegeen, ciidamada kale ee ka baxay degmada dayniile iyana carbiska ayey dusha sare ka soo galeen fariisimo ayeyna ka sameysteen degaankaas, qorshuna waa in la go’doomiyo deegaanka ceelasha biyaha maadaama wadada labadeeda dhinac ay ka jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada” ayuu yiri taliyaha guutada 2aad ee ciidamada dowlada C/llaahi Cali Cagey. Mr. Cagey ayaa sheegay in goobahaas ay tageen aysan wax iska caabin ah kala kulmin ayna su si nabad gelyo ah ula wareegeem ka dib markii sida uu sheegay ay isaga baxeen xoogagii Al-Shabaab, wuxuuna xusay in saacadaa soo socda ay gaari doonaan degmada afgooye ilaa laanta buuro ee gobolka Sh/hoose.

Dhinaca kale dad shacab ah oo saaka ku go’doonsanaa degaanka Ceelasha biyaha ayey u suuragashay iney u soo gudbaan magaalada Muqdisho ka dib markii ay wadada baneeyeen ciidamo ka tirsana Al-Shabaab oo saaka dib u celiyey, waxaana hawada laga waayey maanta idaacadii Andaluus ee ku hadli jirtay codka Al-shabaab oo ku tiilay degaanka Ceelasha biyaha ka dib markii qalabkeedii ay xalay halkaas ka fureen xoogaga Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegaya in ay sii wadi doonaan howlgaladan ilaa laga xaqiijinayo in guud ahaan degaanada u dhexeeyaa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye laga saaray xoogaga Al-Shabaab, iyadoo ilaa hadda uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan degaanada lagala wareegay maanta.

Dhinaca kale wararka aanu ka heleyno degaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegaya in askari ku lebisan tuutaha ciidamada AMISOM meydkiisa ay halkaas ku jiid jiidayeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo dad taageerayaal u ah, waxaana goob jooge magaciisa ka gaabsaday uu sheegay in uusan kala garan Karin in meydkaas uu yahay askari AMISOM ka tirsanaa iyo in kale hase ahaatee ay goobta keeneen ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ka yimid goobaha dagaalka